Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdi uu hogaaminayay oo safar ugu ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdi uu hogaaminayay oo safar ugu ambabaxay Dalka Imaaraadka Carabta

April 18, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo oo muddo kooban qaadan doona ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweynaha, ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay masuuliyiinta dalka Isu-tagga Imaaraadka carabta oo diyaarad khaas ah usoo diray, taas oo madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo saaka ka qaadday madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport

Muuse biixi waana socdaakii labaad uu ku tago Imaaraadka muddo 40 maalmool gudahood ah waana socdaalkii sadexaad intii uu xilka qabtay, bartamihii bishii Maarso ayey ahayd markii  uu socdaal ku tago si la yaab lehna loogu soo dhaweeyay dalka Imaaraadka, wuxuuna la kulmay madax ka tirsan xukuumadda Imaaraadka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey safarka madaxweynaha iyo ujeeddada uu ku qotomo, waxana uu sheegay inuu socdaalkani yahay mid shaqo .

Socdaalka uu madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga Caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka, Dr. Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).

Image may contain: sky, cloud and outdoor

Image may contain: 1 person, standing, shoes and outdoor

Image may contain: 1 person, standing, walking and outdoor

Image may contain: 1 person, standing, walking, suit and outdoor

Image may contain: one or more people, people standing, sky, shoes and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing and sky

 

 

 

Facebook Comments