Qarax Gaari oo ka dhacay wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho

Qarax Gaari oo ka dhacay wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho

April 17, 2019 0 By walaal24

 

Qarax ayaa Goordhow laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee Degmada Hodan.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa gaari ku xirnaa walxaha qarxa nooca raxaada ah, isla markaana waxaa uu ku qarxay  Wadad laamiga ah, waxaana ka soo baxaya warara kala duwan.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu haatan ku gubayo Wadada laamiga,waxaana Cirka isku shareertay uuro Madow  ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo halkaasi xiray, welina si dhab ah lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wixii ku soo kordhana kala Soco:  walaal24.com

Facebook Comments