Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u fadhiisatay dhageysiga Dacwada kiiska marxuum Axmed Dowlo

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo u fadhiisatay dhageysiga Dacwada kiiska marxuum Axmed Dowlo

April 17, 2019 0 By walaal24

 

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Maanta waxa u fadhiisatay Dhageysiga Dacwada loo heysto Eedeeysanayaal  in ay ka dambeeyeen fal isugu jiray Dil iyo gubid loo geystay marxuum Axmed Mukhtaar Saalax oo ku magac dheeraa Axmed Dowlo.

Falkaas oo Sanadkii  la soo dhaafay ee 2018 ka dhacay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, isla markaana loo geystay Marxuum Axmed Dowlo ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen 7 qof oo isugu jira  Rag iyo Dumar.

Fadhiga Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Guddoominayay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed ee kana bilaabatay Dhageysiga Dacwada Eedeeysanayaasha ,waxaana weli si rasmi ah loo shaacin xiliga la soo gabagabeen doono  Dhageysiga Kiiskaas.

Marxuum Axmed Dowlo oo ahaa Nin ka shaqeeyn jiray Garaash farsamada Baabuurta, kuna yaalla Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa fal arxan dara ahaa ku dilay dad isugu jiray Rag iyo Dumar, iyadoona loo dilay arrimo la xiriira Guur heybsooc ahaa.