Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalka Baxrayn

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalka Baxrayn

April 17, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Baxrayn  ay usoo magacaabeen Soomaaliya Mudane Juma Axmed Alkaabi.

Danjiraha cusub ee Boqortooyada Baxrayn Dr Juma Axmed Alkaabi ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan uu ka siday Boqorka Baxrayn, waxa uuna sheegay in dalkiisu uu aad u daneynayo in Soomaaliya uu la sameeyo iskaashi ganacsi gaar ahaan Xoolaha, Kaluunka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirka cusub ee Baxrayn u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan, si xiriirka labada dal loo xoojiyo.

Facebook Comments