Kalafadhiga kulanka Golaha shacabka oo furmay loogana hadli doono laba Ajande

Kalafadhiga kulanka Golaha shacabka oo furmay loogana hadli doono laba Ajande

April 17, 2019 0 By walaal24

 

Waxaa si rasmi ah uga furmay Xarunta Golaha Shacabka Magaalada Muqdisho  kulanka 6-aad Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa Shir Guddoominayo Guddoomiyaha Golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan, waxaana inta uusan furmin kulnka Guddoomiye Mursal uu waqti dheeraad ah uu ku daray xiligii la fuli lahaa kulanka .

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa laba Ajande kuwaas oo kala ah Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo  Akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo u baahan ka doodis ama in ay ansixiyaan halka kuwa kale ay qaarkood horay u soo marsiiyeen Akhrinta koowaad iyo tan labaad, hayeeshee u baahan kaliya inay waxka bedelaan ama ay ansixiyaan.

Ciidamada Booliska ayaa xiray wadooyinka ku dhaw Xarunta Golaha Shacabka Somaliya, halkaasi oo ay amniga si wayn uga adkeynayaan.