Faah faahin Qaraxii ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho

Faah faahin Qaraxii ka dhacay wadada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho

April 17, 2019 0 By walaal24

 

Wararka ka soo baxaya qarax Gaari oo Maanta barqinkii ka dhacay Albaabka hore ee Hotelka Mubaarak ee ku yaalla agagaarka Isgoyska Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

wararka ay sheegayaan Darawalkii gaari watay uu ka dagay oo Hotelka gudihiisa uu galay, qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa ku qarxay Wadada dhinaceeda, waxaana gaari dhinac yaalay laba Baabuur oo kale, waxaana saameeyay dab ka dhashay gaariga qarxay oo gubay labadii baabuur ee halkaasi taalay.

Wax Khasaare nafeed ah kama dhalan, balse waxaa meeshaasi ku gubatay Saddex Baabuur oo uu ku jiro gaariga qarxa ku xirnaa.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay xirayna Wadada, waxaana gaadiidka ku gubtay qaraxa mudo daqiiqado kadib damiyay gaadiidka dabdamiska oo goobta soo gaaray.

Dowladana  kama aysan hadlin, iyadoo ay jirto in amniga Magalada aad loo adkeeyay oo wadooyinka qaar la xiray.