Nin ku hubeysnaa Bambooyin oo weerar ku qaaday fariisimo Ciidanka Booliiska markii danbana ay toogteen

Nin ku hubeysnaa Bambooyin oo weerar ku qaaday fariisimo Ciidanka Booliiska markii danbana ay toogteen

April 16, 2019 0 By walaal24

 

Sida wararka aan ku heleyno ayaa sheegaya howlgal Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen Guri ku yaalla Xaafad ka tirsan degmada Warta-Nabadda ee Gobolka Banaadir, kadib markii gurigaas uu galay Nin ku  hubeysnaa Bombooyin.

Gelinkii dambe ee galabta ayaa Ninkaas oo ku hubeysnaa Bambooyin uu ku weeraray fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Furayaasha ee degmadaas, isla markaana ay soo Eryadeen Ciidanka, hayeeshee markii dambe ay u suuragashay in uu galay guri ay leeyihiin Dad shacab ah.

Ciidanka ayaa isku gadaamay guriga uu galay Ninkaas oo ku yaalla Xaafada Cali Kamiin  ee Warta-Nabadda, isagoo la sheegay in dhowr daqiiqo uu dhex dagaalamayay, bambooyina uu ku soo tuurayay Ciidamadii ku hareereysnaa.

Dad goobta ku sugnaa ayaa sheegay in Ciidanka markii ay dambe Ninka hubeysnaa ay lugta ka tootgeen, iyagoona horey u watay.

Warar qaar ayaa sheegaya in Ciidankii la dagaalamayay ninkaas Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir uu amar ku siiyay in aan la dilin, balse ay gacanta ku soo dhigaan isaga nool.

Facebook Comments