Ciidamada Qaranka iyo Saxiibadood howlagal ay siwada jir ah uga fuliyeen deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban.

Ciidamada Qaranka iyo Saxiibadood howlagal ay siwada jir ah uga fuliyeen deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban.

April 15, 2019 0 By walaal24

 

Hawlgal ay si wada jir ah u filyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay horjooge ka tirsan Daacish.

Howlgalkaan oo ahaa duqayn ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo xiriirro oo ka tirsan isku shuban.

Howlka oo dhacay 14-kii April ayaa ahaa mid ka mid ah dadaalada lagu wiiqayo awoodda Argagixisada laguna badbaadinayo Shacabka.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibadooda Caalamiga ah waxeey u taaganyihiin in aanay ka helin Soomaaliya gabbaad ay ku nastaan Cadawgu.

Dawladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe dar-dargalisay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish oo ah Sharwadayaal u taagan daadinta Dhiigga Shacabka.