Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo shir guddoomiyay Tubta horumarinta Arrimaha Bulshada

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo shir guddoomiyay Tubta horumarinta Arrimaha Bulshada

April 13, 2019 0 By walaal24

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahana Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta arrimaha bulshada.

Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada ayaa looga hadlay dib-u-eegista xogta shaqaalaha dawladda iyo soo ban-dhigidda wax-qabadka tubta sedaxdii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2019.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku-simaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha halbeegyada ku leh tubta in ay dardar-geliyaan fulinta qorshayashaa hor-yaalla ee hor-tebinta leh.

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/04/

Facebook Comments