Mudaharaadayaasha Suudaan: oo dalbanaya in ladhiso dowlad rayid ah oo kumeel gaar ah

Mudaharaadayaasha Suudaan: oo dalbanaya in ladhiso dowlad rayid ah oo kumeel gaar ah

April 13, 2019 0 By walaal24

 

Mudaharaadayaasha ayaa sheegay iney ku sii sugnaanayaan waddooyinka waaweyn ee magaalada Khartoum, tillaabbada cusub ee ay mudaharaadayaashu ku dhawaaqeen ayaa imaneysa laba maalmood kaddib marki ay ciidamada Suudaan ay xilka kala wareegeen Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Waxayna mudaharaadayaashu dalbanayaan in si degdeg dowlad rayid ah oo ku meel gaar ah loo dhiso oo ay ciidamadana xilka wareejiyaan.

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir waa laga tuuray xilka, laakiin dadkii ku mudaharaadayay xukunkiisa wali ma qanacsana wayna sii wadaan mudaharaadyadooda.

Sarreeye gaas Abdle Fattah Abdelrahman Burhan

Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: “xukunkii milatariga ma waxaa lagu wareejinayaa milatari mise shacab?, isbaddalkuse ma yahay isbaddalkii loo baahnaa?”.

Dadka ayaa wali saluugsan tallaabadii ay shalay milatariga Suudaan xilka ugala waregeen Madaxweynihii hore cumar Al-Bashiir isla markaana xabsiga ku dhigeen.

Wasiirka gaashaan dhigga ahna Madaxweyne ku xigeen Cawad Ibnu Cawf ayaa ku dhawaaqay in maamulka ay la wareegeen milatariga oo muddo 2 sano ah gacanta ku heyn doona.

Arrintan ayaa waxaa ka biyo diiday dibadbaxayaashii inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyaha afgambigu ay aad isugu dhaw yihiin Madaxweynihii xilka ka dagay ee Al-Bashiir.

Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay, go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka, isagoo xilkana ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateriga ka tirsan.

Hogaamiyihii afgambigii Suudaan Cawad Ibnu Cowf oo is casilay yaana xilka lagu wareejiyay?

Laakiin taas ayaa loo arkay arrin isku dhiib dhiib ah, aan waxba ka duwaneyn xukuumaddii hore ee Al-Bashiir, oo iyada qudheeda ahayd mid milatari.

Waxaana sida oo kale xilkiisii iska casilay madaxa sirdoonka dalkaasi Generaal Salax Goosh, iscasilaadiisa waxay timid saacada un kaddib marki uu sargaalka ciidamada xilka Suudaan la wareegay hoggaaminayey oo ahaa wasiirka gaashaan dhigga Cawad Ibnu Cawf uu xilka iska casilay. Isaga oo aan sheegin sababta uu iisu casilay.

Shabakadda wararka ee gaarka loo leeyahay ee 365 ayaa maanta shaacisay iney Axadda barri ah ay hoggaamiyeyaasha mucaaradka la kulmayaan saraakiisha ciidamada ee isbeddelka hormuudka u ah.

Waxayna sheegeen iney kala hadli doonaan sidi dalka looga soo dabbaali lahaa isbeddel la taaban karo oo ay ka mid tahay in la dhiso dowlada rayid ah oo ku meel gaar ah.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Sudan Congress Omar el-Digeir, wuxuu sheegay “iney ciidamadu noqon kuwa awoodda dalka isku dhajiya”.

Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ee xilka laga qaaday waxay maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ay ku soo oogtay dacwad ku saabsan inuu gabood fallo xuquuqda aadanaha uu ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Balse golaha ciidamada ee xilka la wareegay ayaa sheegay ineysan dhiibeyn Mr Bashiir, oo dalka Suudaan ay k uhaynayaan.

Ibnu Cawf

Mr Ibn Cawf oo ahaa madaxa sirdoonka ciidamada Suudaan ahaa xilliga uu dagaalki Daarfuur socday wuxuu Mareykanka uu 2017-dii uu ku soo rogay cunaqabateyn.

http://walaal24.com/wp-content/uploads/2019/04/

 

Facebook Comments