Mareykanka oo duqeyn Cirka ah ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee deegaanka Garowle

Mareykanka oo duqeyn Cirka ah ku dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee deegaanka Garowle

April 13, 2019 0 By walaal24

 

Warbixin ka soo baxday Taliska ciidamada Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo 11-kii bishaan ay ku beegsadeen Al-shabaab laguna dilay Labo ka tirsan dagamayaal kooxdaasi.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka  Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa ka dhacday deegaanka Garowle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weearkaan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay Labo ka mid ah Kooxda Al-shabaab, isla markaana lagu burburiyay mooto ay wateen dagamayaal.

Warkaan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax rayid ah oo wax ku noqday howlgalka dhinaca cirka ee lala beegsaday kooxda Al-shabaab.

Taliska ciidamada Africom,ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada dhinaca cirka ah ee lagu wiiqayo kooxda Al-shabaab ,waxaana warku intaa raaciyay in iyadoo gacan laga helayo ciidamada dowladda Federaalka ah la bartilmaameedsan doono meelaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxdaasi.

Facebook Comments