Hogaamiyihii afgambigii Suudaan Cawad Ibnu Cowf oo is casilay yaana xilka lagu wareejiyay?

Hogaamiyihii afgambigii Suudaan Cawad Ibnu Cowf oo is casilay yaana xilka lagu wareejiyay?

April 13, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynihii hore Suudan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa xilka iska casilay maalmo ka hor markii uu hogaamiyaha afgambi xilka loogaga tuuray ahaana madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray.

Xilkaas oo si ku meel gaar ah isugu magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Suudan Cawad Ibnu Cowf kuna dhawaaqay in uu xilka si kumeel gaar u haynayo mudo laba sano, ka dibna doorasho lagali doono.

Arrintan ayaa waxaa ka biyo diiday dibadbaxayaashii inay isaga tagaan waddooyinka iyagoo sheegay in hogaamiyaha afgambigu ay aad isugu dhaw yihiin Madaxweynihii xilka ka dagay ee Al-Bashiir.

Wasiirka Gaashaandhigga Cawad ibnu Cowf ayaa go’aankiisa waxa uu kaga dhawaaqay taleefishinka qaranka. Waxa uuna xilka ku wareejiyay Cabdulfataax Burhaan oo ah hogaamiye kale oo milateri.

Hoyaamiyaha Milateriga ayaa isku dayay inuu ka dhaadhiciyo dibadbaxayaasha inuusan doonayn inuu awoodda la wareego, mustaqbalka Suudaanna ay go’aan ka gaari doonaan Shacabka.

Xil ka tuurista Mr Bashiir ayaa timid kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la’aan bilowday bishii Diseembar kuwaas oo ka kacay sicirka oo sare u kacay. Ugu yaraan 38 qof ayaa la dilay intii ay dibadbaxyadu socdeen.

Mr Ibnu Cowf ayaa madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ninkaasi 2007.

Dibadbaxayaasha ku sugan magaalada Khartuum ayaa debaaldegay markii uu xilka banneeyay.

Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan, kaas oo si weyn uga soo shaqeeyay in dibadbaxyadu ay dalka ku baahaan, ayaa sheegay in g’aanka Mr Ibn Cowf uu xilka ku banneeyay uu yahay mid “taariikhi ah” oo u soo hoyday dibadbaxayaasha.

Dibadbaxayaashu waxa ay dalbanayaan in xukuumad madani ah xilka lagu wareejiyo ka hor inta aanay guryahooda ku laaban.