Shacabka Dalka Suudaan oo ka horyimid go’aanka Meletirga ay ku dhawaaqeen

Shacabka Dalka Suudaan oo ka horyimid go’aanka Meletirga ay ku dhawaaqeen

April 12, 2019 3 By walaal24

 

Mudaaharaadka Shacabka Dalka Suudaan oo weli socda kana horyimideen go’aanka Meletirga ay ku dhawaaqay, kumannaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa wacad ku maray in ay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Suudan ee Khartoum, waxa ayna ku gacan seyreen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo muddo dheer soo xukumayay dalkaasi ayaa shalay oo kahmiis ahayd la inqilaabay, kadibna xabsiga la dhigay.

Balse dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in golahani cusub ee milatarigu uu qayb ka yahay nidaamkii hore ee Cumar Al-Bashiir.

Ismaandhaafkani cusub ayaa abuuraya cabsi ah in rabshado iyo isku dhacyo dhex maraan dadka dibad-baxyada dhigaya iyo ciidanka milatariga.

Dibadbaxyada ayaa soo billowday bishii Diseembar, waxaana markii hore ay ka dhasheen sicir barar ku yimid maciishadda balse markiiba waxa ay isu badaleen kuwo ka dhan ah dowladda. Dadku waxay dalbanayeen in madaxweyne Al-Bashiir uu iscasilo.

SUUDAAN

Maxaa keenay in Dalka Suudaan uu sii socda mudaharaadka Shacabka? 

Markii aroornimadii hore ee shalay oo Khamiis ahayd ayaa gawaarida milatariga dalkaasi waxa ay galeen dhismaha weyn ee ku yaal magaalada Khartuum ee ay ku yaaliin wasaaradda gaashaandhigga, xarunta ciidamada milatariga iyo guriga madaxweyne Al-Bashiir.

Image result for ‫الجيش السوداني‬‎

 

Taleefishinka iyo idaacadda qaranka ayaa hakiyay barnaamijyadii caadiga ahaa ee ka bixi jiray, waxaana wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibn Cowf uu ku dhawaaqay “in dowladdii la afgambiyay”. Waxa uu sheegay in madaxweyne Al-Bashir lagu hayo “meel ammaan ah” laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Wasiirka wuxuu sheegay in Suudaan ay dhibaato ka haysatay “maamul xumo, musuq-maasuq iyo caddaalad darro” wuxuuna ka raali galiyey shacabka “dilalka iyo rabshadihii dhacay”.

Wuxuu sheegay in milatarigu uu xukunka dalka sii haynayo muddo laba sano ah oo ku-meel-gaar ah, ka dibna ay dalka ka dhacayaan doorashooyin.

Wasiirka waxaa sidoo kale uu sheegay in waddanka la gelin doono saddex bilood oo xaalad deg deg ah.

Waxa uu intaasi ku daray in la laalay dastuurka dalka, xuduudahana la xiray illaa iyo amar dambe iyo in la xiray hawada dalka mudd 24 saacadood ah.

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay in 38 qof ay dhinteen tan iyo bishii Diseembar balse hay’adda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in tiradu intaasi ka badan tahay.

 

Facebook Comments