Safiirka cusub ee Safaaradda Soomaaliya u fadhindoona Dalka Uganda oo xilka la wareegay

Safiirka cusub ee Safaaradda Soomaaliya u fadhindoona Dalka Uganda oo xilka la wareegay

April 10, 2019 0 By walaal24

 

Safiirka cusub ee Safaaradda Soomaaliya u fadhindoono Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) oo dhawaan dowladda Soomaaliya soo magacowday ayaa  xilka kala wareegay safiirkii hore ee Safaaradda mudane Cabdiwali Cali Faarax.
Mudanaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiinta, Uqeybsanayaasha ka howlgala safaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada
Mudane Cabdiwali Cali Faarax safiirkii hore ee Safaaradda ayaa munaasabadda kasoo jeediyay warbixin kooban oo kaga hadlay sida safaaradda u shaqeyso iyo qalabka safaaradda leedahay, isagoo u mahadceliyay howlawadeenadii safaaradda sidii wanaagsaneed ay ula soo shaqeeyey intii uu xilka haayay.
Safiirka Cusub Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur)  ayaa isagana u mahadceliyay safiirkii hore ee Safaaradda iyo sida wadaniyadda leh uu uga soo shaqeeyay safaaradda iyo sida sharafta lahayd uu i ilaaliyay hantida qaranka.
Mudane Cali Cagabaruur ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, kana shaqeyn doono xoojinta dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga iyo fududeenta isu socodka labada dal.
Cali Cagabaruur ayaa sidoo sheegay in waxqabadka safaaradda halkiisa kasii wadi doono, si gaarana xooga u saari doono u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed si siman una qaban doono adeeg hufan, siihayaha ayaa intaas ku daray in bilicda safaaradda iyo tayeente adeega safaaradda.

Facebook Comments