Wasiirada Caafimaadka XFS oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wakiilka cusub WHO ee Soomaaliya

Wasiirada Caafimaadka XFS oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wakiilka cusub WHO ee Soomaaliya

April 9, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirada Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr’s Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa Muqdisho ku soo dhawaysay wakiilka cusub ee hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Dr Malik Mamunur iyo Wasiirada caafimaadka dalka Dr’s Fawsiyo Abiikar Nuur ayaa ka wada hadlay sii xoojinta mashaariicda caafimaad ee WHO ka wado Soomaaliya, kuwaas oo lagu tayeynayo adeega caafimaadka bulshada.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO waxay in muddo ah kala shaqaynaysay dawladda Soomaaliya dib u kabashada adeegga caafimaadka.

Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya Dr Fawziya Abikar Nur ayaa sidoo kale kulan isbarasho iyo soo dhoweyn ah la qaadatay wakiilka cusub ee UNFPA u soo magacwday Soomaaliya, Mr. Anders Thomsen.