Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabay Taliyaal Ciidan

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabay Taliyaal Ciidan

April 8, 2019 0 By walaal24

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wareegto kasoo baxday Xafiiska ayaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta maamul Goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuxigeenkiisa.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa loo magcaabay in uu noqdo, Yoosin Aadan Xasan, isla markaana waxaa kuxigeenkiisa laga dhigay Cabdulle Isaaq Ibraahim.

Waxaa kaloo la magacaabay Taliyaha howlgelinta Ciidanka Koonfur Galbeed oo laga dhigay Aadan Maxamed Yarow, halka Taliyaha Gaadiidka Ciidanka isna loo magacaabay Xasan Cabdinuur Aadan.

Halkaan hoose ka Akhriso Wareegtada:-