Daawo: Golayaasha Xeer-dejinta oo kulankoodii 5aad  uga furmay Garoowe Khudbado Xasaasi ah oo laga Jeediyey

Daawo: Golayaasha Xeer-dejinta oo kulankoodii 5aad uga furmay Garoowe Khudbado Xasaasi ah oo laga Jeediyey

April 8, 2019 0 By walaal24

 

Golayaasha xeer dejinta Soomaaliya Kulanka 5aad ayaa ka furmay magaalada Garowe ee magaalo Madaxda maamul Goboleedka Puntaland, shirka ayaa socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgelaya gudoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyayaasha barlamaanada Puntland, koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle & xoghayaasha barlamaanada iyo qaar kamid ah shaqaalaha xarumaha golayaasha shacabka, Inkastoo uu madasha ka maqnaa gudoomiyaha barlamaanka Galmudug.

Shirkaan waxaa mudada uu socdo diiradda lagu saari doonaa wadashaqaynta golayaasha xeer dejinta, iswaydaarashada xeerarka ay ansixiyaan golaha shacabka Soomaaliya iyo sidii barlamaanadu khibradaha u kala qaadan lahaayeen.

Waxaa goobta khudbado ka jeediyey Gudoomiye ku xigenka labaad Golaha Shacabka, Gudoomiyayaasha barlamaanada maamul Goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland iyo koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka Daawo furitaanka shirka:-