Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka iyo wafdi uu hogaminayay oo gaaray magaalada Garoowe ee Puntland

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka iyo wafdi uu hogaminayay oo gaaray magaalada Garoowe ee Puntland

April 7, 2019 0 By walaal24

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Wafdi uu hor kacayay ayaa ka  ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Gorowe.

Wafdi ka socda Baarlamaanada heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Xubnaha wafuudan ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shir looga hadlayo wada shaqeynta Baarlamaanada dowlad goboleedyada iyo kan dowladda dhexe oo beri ka furmaya magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaaal.

Shirkan ayaa waxaa qeyb ka aheyn Galmudug, sababo la xariira khilaaf weli ka jira maamulkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay shir isugu imaanayaan guddoonada Baarlamaanada heer fedeeral iyo heer dowlad goboleed, waxaana marar badan kulamo ku yeesheen gudaha dalka.

Facebook Comments