Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka  Koonfur Galbeed oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo soo gaaray magaalada Muqdisho

April 7, 2019 0 By walaal24

 

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqadir Sharif Sheekhuna Maye.

Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Safarka uu Muqdisho kusoo gaaray waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan KGS, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wafdigan ayaa Muqdisho kaga sii gudbi doona Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, iyadoo halkaas uga qeyb galaya Shirka shanaad ee Golayaasha xeer dajinta ee halkaasi shalay ka furmay.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furmay Shirka shanaad ee Golayaasha xeer dajinta.

Shirkan ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto kaas oo ay yeeshaan Golayaasha xeer dajinta heer federaal iyo heer dowlad Goboleed, isla markaana ay qeyb galayaan shirkaas xildhibaanada heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo masuuliyiin kale.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/04/