Faah faahin hordhaca kulanka Everton vs Arsenal Horyaalka Yurub ee England Premier League

Faah faahin hordhaca kulanka Everton vs Arsenal Horyaalka Yurub ee England Premier League

April 7, 2019 0 By walaal24

 

Daafaca Koscielny (cagta ah) iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Xhaka ayaa la qiimeyn doonaa halka Lucas Torreira la ganaaxay.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga qadka dhexe ee Aaron Ramsey ayaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka dib markii uu tababarka jimcihii ku soo laabtay ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray.

Kulanka wuxuu soo galayaa Saacada Geeska Afrika marka ay tahay 4:05 PM Galabnimo

Iyadoo Tottenham iyo Manchester United aysan ciyaareynin isbuucaan, Gunners ayaa xoojineysa booskeeda afarta kooxood ee ugu sareysa Premier League iyagoo badiyay. Guul ay soo gaarto ayaa u muuqata inay u gudubtay kaalinta seddexaad, labo dhibcood oo ka sareysa Spurs.

Tababaraha kooxda Unai Emery ayaa yiri: “Kulan kasta waa mid muhiim u ah taas, hadii aan badino waa seddexaad, waxaan dooneynaa inaan badino si aan u qabano booskaan, lakiin waa wadada dheer.

“Waxaan u baahanahay inaan si fiican u ciyaarno, lakiin sidoo kale waa mid macquul ah, Axadda waa tartan aad u weyn.”

Image result for Hector Bellerin, Rob Holding iyo Danny Welbeck

Hector Bellerin, Rob Holding iyo Danny Welbeck ayaa ah kuwa mudada dheer maqnaa ee Arsenal.

Everton ayaan qabin wax dhaawacyo cusub ah madaama ay raadinayaan guushii seddexaad ee isku xiga.

Daafaca Jerry Mina ayaa seegi doona dhaawac bowdada ah, halka Marco Silva uu sheegay in goolhaye Jordan Pickford uu yahay maskaxda saxda ah ee wajaheysa Arsenal ka dib markii uu ku lug lahaa isbuucii hore.

“Isbuucaan si buuxda ayuu diirada u saaran yahay inuu diyaariyo kulanka soo socda” ayuu yiri Silva.