Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Eritrea iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Eritrea iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magaalada Muqdisho

April 6, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab, ayaa Maanta soo gaaray Magaalada  Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya  iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea  iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalk ayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho waxa ay wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Facebook Comments