Kulankii Barlamaanka oo maanta ku soo dhamaaday Buuq iyo Khilaaf ay sameyeen Xildhibaanada qaar

Kulankii Barlamaanka oo maanta ku soo dhamaaday Buuq iyo Khilaaf ay sameyeen Xildhibaanada qaar

April 6, 2019 0 By walaal24

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow ku dhawaaqay in uu xiranyahay kulankii Maanta ee Golaha Shacabka, hareeyay Buuq iyo Khilaaf Xildhibaanada qaar ay ku ka ceen.

Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay khilaaf ka dhashay Codkii loo qaaday warbaahinta iney banaan joog ka ahadaan, isla markaana xildhibaanada ay laba garab kala noqdeen.

Intaa ka dib waxaa loo qaaday Cod, 104 Xildhibaan ayaa u codeysay in warbaahinta laga saaro kulankii Maanta ee looga hadlaayay xaalada amniga ee dalka, waxaana diiday 42 xildhibaan oo kaliya, sidaasina uu khilaaf xoogan ku dhashay.

Sidoo kale waxaa ka aamusay codeyntaasi 20 Xildhibaan, sida uu natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Intaasi kadib waxaa buuq iyo sawaxan uu hareeyay hoolka Baarlamaanka, iyadoona uu kulanku si deg deg ah u soo xiray Guddoomiye Mursal.

Wasiiradda amniga iyo Gaashaandhiga ayaa ku sugnaa hoolka Xarunta Golaha Shacabka iyo Taliyaasha Ciidamada Xoogga, Booliiska iyo Asluubta.
Kulankan ayaa la filayay in su’aalo lagu waydiiyo mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa ka doodista amniga Qaranka, hayeeshee waa uu baaqaday.

 

IMG_1639IMG_1652IMG_1643IMG_1648IMG_1641IMG_1649IMG_1568IMG_1660

IMG_1612