Miciishada degmada Marka oo kor u kacaday saameynta ku yeelaty cunaqabateynta Al-shabaab

Miciishada degmada Marka oo kor u kacaday saameynta ku yeelaty cunaqabateynta Al-shabaab

April 5, 2019 0 By walaal24

 

Dadweynaha ku nool magaalada Marka ayaa dhib ku qaba iska hor’imaadyada oo sababaya dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Kooxda Al-shabaab ay qolo walba ay dooneyso gacan ku haynta magaalada.

Waxaa Marka kusoo noqnoqda hardan u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo kooxda Al-Shabaab, arrintan ayaana sababtay in miciishaddu ay kor u kacdo, kadib markii ay cunaqabatayn ku soo rogeen kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa uga digtay dadka ku nool gobolka Shabeellada Hoose in aysan wax xiriir ganacsi ah la samayn deegaannada ay maamusho dawladdu oo ay Marka ka mid tahay.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan dhibaatooyin ay wajahayaan dadweynaha isku daya in ay dhaqdhaqaaq ganacsi sameeyaan, halka dhanka kalena ay shacabku dhibaato ku qabaan sicir barar baahsan, waxaa aad u qaaliyoobay dhammaan adeegyada kala duwan ee lagama maarmnaanka u ah nolosha.

Dhawaan kooxda Al-shabaab ayaa rasaas ku furtay kalluumeysato doon wadatay, hal qof ayaana ku dhintay weerarkaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Jilib, Gendarshe iyo Marka., sida uu sheegay guddoomiyaha Marka.

Wararka laga helayo shabeellada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dileen labo nin oo ganacsato ah oo ay u rarnaayeen laba gaadhi oo raashin u siday magaalada Marka, ka dib markii ay u galeen waddada u dhaxeysa magaalooyinka Janaale iyo Buufoow.

Guddoomiyaha magaalada Marka Cabdullaahi Cali Axmed ayaa ka waramay sababta keentay sare u kaca maciishadda wuxuuna yidhi: “Ka dib markii ay waddada xeebta marta ay xirantay, iyagana waxay ku dhawaaqeen in ay xirantahay waddada kale ee xagga Janaale soo marta, muddo 5 illaa 6 maalmood ka hor ayay arrintaas dhacday”.

Facebook Comments