Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo  ka dhacay magaalada muqdisho

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo ka dhacay magaalada muqdisho

April 4, 2019 0 By walaal24

 

Qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarax oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Albaabka Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Genaraal Kaahiye, Ex Iskoola Boliisiya oo ku yaalla Degmada Xamar Jajab, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaallo guryo ka sameeysan Cooshado, iyadoo ay degan yihiin dad shacab ah, waxaana sidoo kale halkaas ay tahay meel si weyn loo adkeeyo amnigeeda.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareerartay,taasi oo laga arkaayay degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana Qarax uu ahaa mid jugtiisa si weyn Caawa looga maqlay Magaalada oo dhan.

Khasaaro hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in dhaawaca uu gaaro ilaa iyo 8 ruux, halka weli aan si rasmi ah loo shaacin dhimashida, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, kuwaasi oo weli daabulaya dadii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Ciidamo ka titsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxa ka dhacay,kuwaasi oo xiray wadooyinka soo galaya iyo kuwa kabaxa halkaas.

Qaraxaan Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo amniga Magaalada aad loo adkeeyay ayna xiran yihiin Wadooyinka qaar ee Magaalada.

Facebook Comments