Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo soo gaaray magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomalida

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo soo gaaray magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomalida

April 3, 2019 0 By walaal24

 

Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa goor dhaw ka dagaya magaalada Jigjiga caasumada dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, isagoo ka qeybgalaya xiritaanka shirka Xisbiga oo maalmihi lasoo dhaafay ka socday magaaladaas.

Ammaanka ayaa la adkeeyey, waxaana subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray magaalada Jigjiga Ilaalada gaarka ah ee Raysalwasaaraha dalka Itoobiya, kuwaas oo hadda kusugan Xarunta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Jigjiga.

Ra’iisulwasaaraha ayaa khudbad gaar ah ka jeedin doono xiritaanka shirka Soomaalida, waxaana lafilayaa in uu ka hadlo arrimo khuseeya gobalka, gaar ahaana qodobada la xariira Hoggaaminta iyo sida loogu baahan yahay isbedel taabagal ah.

Ergada ka qeybgalaysa shirka Xisbiga Dawlad Degaanka Soomaalida ayaa maanta doortay guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe, waxaana hadda bilaaban doono doorashada guddoomiyaha Xisbiga oo ah meesha ugu badan ee lagu loolamayo.

Facebook Comments