Garoonka cusub ee magaaladda Baraawe oo maanta ka degay Duulimaadkii ugu Horreeyey

Garoonka cusub ee magaaladda Baraawe oo maanta ka degay Duulimaadkii ugu Horreeyey

April 3, 2019 0 By walaal24

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta ka degay goroonka diyaaradaha degmadda Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Maamulkaasi.

Garoonka degmadda Baraawe oo dhismihiisa uu socday muddo Hal sano iyo Sideed bilood ah ayaa maanta waxaa si tijaabo ah uga degtay diyaarad Duulimaadyo toos ah  ka bilowday Magaaladda Baraawe.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii uu ka degay goroonka degmadda Baraawe waxaa si diiran gudaha goroonka ugu soo dhaweeyey maamulka degmada Baraawe Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshadda Deegaanka.

Maamulka degmadda Baraawe iyo dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan goroonka loo dhisay, maadaama Baraawe intii ay jirtay garoon diyaaradeed aysan yeelan,  kana uu yahay kii ugu horeeyey.

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/04/

Facebook Comments