Dhageyso: Wasiirka arimaha Gudaha Soomaliland muxuu ka yiri arinka Ganacsade Axmed Cismaan Geele?

Dhageyso: Wasiirka arimaha Gudaha Soomaliland muxuu ka yiri arinka Ganacsade Axmed Cismaan Geele?

April 2, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay saaka xafiiskiisa mar uu kaga hadlayay in uu dhamaadey muddo xileedkii golayaasha deeganka, ay su’aal ka weydiiyeen  warar sheegayay in Ganacsade Axmed Cismaan Geele loo jaray warqadsoo Qabasho ah ay soo codsatay Dowladda Jabuuti.

Wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegay in la jaray Waaran qabasho ah oo ganacsade Axmed Cismaan Geele lagu xidhaayo waxaana uu sheegay Wasiirku in aanu ogeyn ilaa hada wax waaran qabasho ah oo loo jaray ganacsade Axmed Geele .

Wasiirka ayaa hadalkaa ku sheegay mid been abuur ah, in arinkaa lagu doonayo in lagu dhaawacayo sumcada ganacsadaha .

 

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka:-