Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Deegaanka Baladul Amiin iyo degaano kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Deegaanka Baladul Amiin iyo degaano kale

April 2, 2019 0 By walaal24

 

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayay howlgalo is dabajoog ka wadaan dhamaan Gobolada Dalka, ayagoo ku baacsanaya kooxda Al-shabaab, degaano dhowr ah ayeyna ka sareen howlgaladii u danbeeyay.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Faahfaahin ka bixiyay Howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka ay kula wareegeen Deegaanka Baladul Amiin iyo deegaano kale.

“Howlgalada sidii loo qorsheeyay ayay u dhaceen, Saaka waxaan la wreegnay Deegaanka Baladul Amiin, waxaan sidoo kale kooxda Al-shabaab shalay ka saarnay Cumar Beer oo aheyd Meel ay dhigtaan Hantida ay ka dhacaan shacabka, Sabiib iyo Caanoole waxaan la wareegnay shalay Galinkii dambe, way iska cararayaan marka uu howlgal bilowdo, dad awood leh oo dagaalami kara maaha”.ayuu yiri Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab.

Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid ay ka carareen kooxda Al-shabaab iyo Dukumiintiyo.

“Waxay ka carareen oo aan gacanta ku dhignay Dukumiintiyo ay baad kaga qaadi jireen Shacabka iyo Gaadiid ay ka carareen, sidoo kale Gaadiid ay qaraxyo ku buuxiyeen ayaan qarxinay halka kuwa kalena ay la carareen, Ciidanka ayaana ku daba jira”.ayuu yiri

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen kooxda ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan.

Facebook Comments