Baasaboorka Soomaaliga oo si rasmi ah ay u aqoonsadeen Wadamo ka mid ah reer Yurub

Baasaboorka Soomaaliga oo si rasmi ah ay u aqoonsadeen Wadamo ka mid ah reer Yurub

April 2, 2019 0 By walaal24

 

Baasaboorka Soomaaliga ayaa si rasmi ah ay u aqoonsadeen Wadamo ka mid ah reer Yurub, ayadoo ay jireen wadamo kale oo horey u aqoonsaday, Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg ayaa si rasmi ah u aqoonsadey Baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan Baasaboorada Diblumaasiga iyo kan shaqada.

Aqoonsigan Dowladaha ee Baasaboorada Diblumaasiga iyo kan shaqada ayaa waxaa si wadajir ah ay uga shaqeeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS.

Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aaden Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dadaalo la xiriira sidii Baasaboorka Soomaaliga loo horumarin lahaa, isla markaana loo heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana horay u aqoonsaday dalal Badan

Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo Socdaalka, hasayeeshee tan ay wax walba u fududeyneyso.

Horay ayaa waxaa Baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday Wadamo badan oo uu ka mid yihiin dalka Norway, Faransiis iyo Talyaaniga, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada Qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen, islmarkaana ay ku sii fidiso dunida inteeda kale.