Kalfidhiga Golaha Shacabka oo lagu wada in maanta furmaya, Xildhibaada mucaaradka oo………..

Kalfidhiga Golaha Shacabka oo lagu wada in maanta furmaya, Xildhibaada mucaaradka oo………..

March 30, 2019 0 By walaal24

 

Waxaa saaka lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ay yeeshaan kulankii ugu horeeyay kalfdahiga Shanaad, waxaana Xildhibaanada xalay lagu wargaliyay qabsoomida kulanka iyo ajandaha looga doodayo.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanaad u diray fariimo lagu wargalinayo kulanka maanta oo sabti ah ajandihiisu yahay dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kasoo horjeestay ajandaha kulanka maanta, waxa ayna Xildhibaanada ay doonayaan in ajandaha laga dhigo xaalada amaan ee dalka gaar ahaan amaanka Muqdisho oo faraha kasii baxaya.

Xildhibaanada qaarkood ayaa ku dhaliilay Gudoonka golaha shacabka in iska indha tirayo in laga doodo xaalada amaan ee dalka, waxa ayna ku eedeeyeen Xukuumada in ay ku fashilantay balan qaadkeedii ahaa sugida amaanka Caasimada.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa noqday mid faraha kasii baxay, waxaana bishan magaalada ka dhacay Qaraxyo aad u badan ay ku dhinteen Masuuliyiin, shacab iyo ciidan, waxaa sidoo kale magaalada ka dhacay dilal badan.

Facebook Comments