Wasiirada Jubaland oo ku sugan magaalada Muqdihso loo sameeyay Casha sharaf

Wasiirada Jubaland oo ku sugan magaalada Muqdihso loo sameeyay Casha sharaf

March 29, 2019 0 By walaal24

 

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Casho Sharaf u sameeyay wasiirrada Dawlad Gobaleedka Jubbaland ee socdaalkiisa Muqdisho ku wehliya madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed.

Casha sharafta oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid wasiirada dawladda federaalka iyo howl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyay wasiirrada ka yimid maamul gobaleedka Jubbaland.

Wasiirrada Jubaland ee casha Shafata kasoo qayb galay ayaa aad uga mahadceliyay wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha soo dhawaynta heerkeedu sareeyo, waxa ayna sheegeen in ay soo dhawayntu kaabayso wadashaqeynta iyo isku xirnaanta labada dhinac.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud ayaa wasiirrada uu cashada u sameeyay waxa uu kala hadlay dardar-gelinta wada shaqaynta ka dhaxaysa wasiirrada dawlad gobaleedka Jubaland iyo wasiirrada ay wada-shaqayntu kala dhexeyso ee DFS.