Madaxweyne Muuse Biixi oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidamada Asluubta u magacabay Taliye cusub

Madaxweyne Muuse Biixi oo xil ka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidamada Asluubta u magacabay Taliye cusub

March 29, 2019 0 By walaal24

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii Ciidamada Asluubta Somaliland, iyadoona Taliye cusub lagu magacaabay.

Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax)  ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee  Ciidamada Asluubta Somaliland, kaasi oo bedelaya General Maxamed Cismaan Xudhuun oo ahaa Taliyihii Ciidamadaas.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahadceliyay General Maxamed Cismaan Xudhuun, isla markaana ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay intii uu xilka haayay.

 

Halkan hoose ka aqrisho Wareegtada:-

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/