Wasiirka Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Safiirada Midowga Yurub ee Soomaaliya

March 28, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ay Wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Khubarro Tirsan Wasaaradda, Xubno ka Socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulan la qaatay Safiirada Midowga yurub u jooga Soomaaliya.

“Waxaaan la kulanay Safiirada Midowga Yurub oo aan u balansaneen in Siyaasadda Dhab-u-heshiisiinta Qaran oo Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen aadna loogu bogaadiyay Kooxdii ka shaqeyneysay iyo Wasaaradda iyo Xukuumadda ujeedkeena waxa uu ahaa in ay nala arkaan Siyaasaddaas oo soo gabagabowday in ay nala arkaan waxayna balan-qaadeen in ay qeyb lexaadleh ka qaateen hergalinteeda “ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday.

Wasiirka ayaa sidoo kale kala hadlay Sidii loo dadajin lahaa Mashaariicda Horumarinteed ee Midowga yurub ay ka fulinayaan Dowlad Gobaleedyada Dalka si Dadka deegaanka Mashaariicdaas ay ugu faa’iideystaan.

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/03/

 

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/03/