Tahribayaal oo markab xamuul siday badbaadiyay ku afduubtay xeebaha dalka Libya

Tahribayaal oo markab xamuul siday badbaadiyay ku afduubtay xeebaha dalka Libya

March 28, 2019 0 By walaal24

 

Markab xamuul siday kuna sii jeeday Dalka Liibiya ayaa badbaadiyay koox Tahriibayaal ahaa xeebaha Liibiya, ka dibna ayaa la sheegay in ay afduubka billaabeen markii lagu wargaliyay in Liibiya lagu celinayo, intaa ka dib shaqaalihii markabka ayay ku amreen in ay u sii qaadaan dhanka Malta.

Markabkan oo lagu magacaabo Elhiblu 1, ayaa 108 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ka qaaday badda, wuxuuna u jihaystay xeebta magaalada Tripoli.

Hase yeeshee markii uu lix mile u jiray dekedda ayuu durba kala wareegay una jihaysta dhinaca waqooyi ee Yurub.

Kooxihii Tahribayaalka ahaa ee ka afduubtay Markabka xeebaha Libya ayaa kusoo xirtay dalka Malta, kadib markii ciidamada Malta ay la wareegeen gacan ku hayntiisa.

Maltese special forces soldiers are seen on the merchant ship Elhiblu 1 is seen after it arrived in Senglea

Wasiirka arrimaha gudaha Italy ee midigta fog, Matteo Salvini ayaa sheegay in markabka la afduubtay, islamarkaana muhaajiriinta saaran aan loo ogolaan doonin inay soo caga dhigaan Talyaaniga.

Markabkan ayaa markii uu marayey meel 30 mile u jirta xeebta Malta, waxaa xiriir la sameeyey ciidamada badda Malta.

“Kabtanka markabka ayaa ku cel-celiyey inuusan gacanta ku hayn maamulka markabka, islamarkaana isaga iyo shaqaalihiisa ay qasbeen islamarkaana u hanjabeen muhaajiriin doonaya inuu geeyo Malta” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Malta.

A Maltese special forces soldier guards a group of migrants 

Ciidamada Mata oo adeegsanaya doomo dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa u gurmaday, kuwaas oo la wareegay hoggaankiisa kadibna u jiheeyey dalkaas oo iminka uu ku xirtay.

Booliska Malta ayaa xiray afar nin, waxaana muhaajiriinta kale lagu daad gureeyey basas, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Markabka Elhiblu 1

Police buses await migrants who arrived on the 'hijacked' merchant ship

Facebook Comments