Dowladda Jaban oo dhaqaale ku bixineysa ka hortagga Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho

Dowladda Jaban oo dhaqaale ku bixineysa ka hortagga Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho

March 27, 2019 0 By walaal24

 

Safaaradda Dowladda Jaban ay ku leedahay dalka Kenya ayaa sheegtay inay  ku bixinayso la dagaalanka xadgudubyada ay kooxda xaq jirka shabaab ka geystaan Siomaaliya, dhaqaale gaaraya Hal Milyan oo Doollar, Dowladooda.

Safaaradu, waxay ku sheegtay Bayaan ay arrinta ka soo saartay  inay kaalmadan lacageed ay Dowladda Jaban u soo marin doonto Soomaaliya Sanduuqa Qaraamada Midoobay  ee u qaabilsan la dagaalanka khatarta miinooyinka, taasoo ujeedada laga leeyahay ay tahay in Soomaaliya laga dhigo dal ay nabad gelyo buuxda ka jirto.

Baayaankaasi waxaa lagu sheegay in Dowladda Jaban ay shantii sanadood ee la soo dhaafay ay uga qeyb qaadatay sugidda amniga Soomaaliya lacag dhan 7.3 milyan oo Doollar, si looga hortago Waxyeelada Qaraxyada.

Bayaankaa ay soo saartay Safaaradda Jaban ee magaalaqda Nairobi waxaa kaloo lagu sheegay inay sii wadi ddoonto la daagaalanka kooxaha xaqajirka ah iyo in Somalia ay noqoto dal nabadeed oo xagga bulshada ka hormarsan.

Facebook Comments