Wasiirka Arrimaah Gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb

Wasiirka Arrimaah Gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb

March 26, 2019 0 By walaal24

 

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mduane Cabdi Maxamed Sabriye Wafdi uu hogaaminaayo ayaa goor-dhow gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlada goboleedka Galmudug.

Waxaa ku soo dhaweyeey garoonka diyaaradaha magaaladaasi mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka wasiirka arrimaha Gudaha ayaa la xiriirta sidii uu kulamo kala duwan uu ula qaadan lahaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug, qeybaha Bulshada oo ay odayaasha Dhaqanka ugu horeeyaan.

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay Wakaaladda SONNA  inta uusan ka duulin Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa ay la xiriirto in uu kulamo halkaas kula qaato madaxda dowlada goboleedka Galmudug iyo bulshada ee ku dhaqan Galmidug oo ay ugu horeeyaan Odayaasha Dhaqanka.

https://sonna.so/wp-content/uploads/2019/03/

Facebook Comments