Shir ka dhacay Dekada Boosaaso Sarkiil Puntland iyo Sarakiil ka socotay Midowga Yurub ee la dagalanka burcad badeedka

Shir ka dhacay Dekada Boosaaso Sarkiil Puntland iyo Sarakiil ka socotay Midowga Yurub ee la dagalanka burcad badeedka

March 25, 2019 0 By walaal24

 

Saraakiil sare oo ka socota hawgalka Midowga Yurub ee  ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Boosaaso kula shirsan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland sida ay xaqiijiyeen shirkaasi.

Warar xogagaal ah ayaa sheegaya in shirka diirada lagu saarayo sidii Puntland iyo Saraakiisha Midowga Yurub isaga kaashan lahaayeen la-dagaalanka burcad Badeeda iyo ilaalinta Maraakiibta kusoo xirata dekadda Magalada boosaaso.

Ma ahan kulankii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ka dhaca gudaha magaalada Boosaaso, waxaana xusid mudan in Xeebaha dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Shisheeye oo qaarkood ka kalluumeysta qaarna ay yihiin kuwa Midowga Yurub ee la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

Facebook Comments