Gantaalo lagu weeraray bartamaha  Waqooyiga Dalka Israa’iil ka dhashay dhaawacyo

Gantaalo lagu weeraray bartamaha Waqooyiga Dalka Israa’iil ka dhashay dhaawacyo

March 25, 2019 0 By walaal24

 

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo ganay Daanta Galbeed ee marinka  Gaza ay saaka ku dhaceen  bartamaha dalkaasi, halkaas ayaana ka dhashay dhaawacyo.

Weerarka gantaalkaasi waxaa lala beegsaday Mishmeret, oo ah magaalo beereed dhacda Woqooyiga Israa’iil, waxa uu ku dhacay guryo dadweyne,  kaas oo  dhaliyay dhaawacyo 7-ah oo soo gaaray dadka deegaanka.

Weerarkaas ayaa yimid xilli ay jiraan xiisado u dhexeeya Yuhuudda iyo dadka reer Falastiin oo waqtigaan ku howlan  bannaanbaxyo sanadle ah oo qeyb ka ah sida looga horjeedo  qabsashada dhulalka Falastiin

Weerarkaasi  ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyadoo 10-cisho ka hor kooxda Xamaas ay gantaallo ku garaaceen gudaha magaalada Tel Aviv

Gaza oo ah dhul ay maamulaan kooxda Xamaas, haddana waxaa jira kooxo kale oo ka dagaalama iyo kuwo ay taageeran dalka Iiraan.

Ra’iisal wasaaraha Israa’il oo booqasha ku joogo Mareynkanka ayaa soo gaabiyay safarkiisa, wuxuuna ku hanjabay iney israa’il jawaab kulul ka bixin doonto Gantaalada lagu soo ganay.

ciidamada Israel ay u diyaargaroobayaan in ay ku noqdaan Gaza, Israel ayaa sidoo kale xirtay Erez iyo Kerem Shalom xuduudaha xuddunta.

Nickolay Mladenov, oo ah Isuduwaha Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee dhanka Bariga Dhexe, ayaa sheegay in QM ay “si aad ah ugu dadaaleyso Dalka Masar iyo dhinacyadeeda” si loo yareeyo xiisadaha..

Image result for Israel news

Image result for Israel news

Image result for Israel news

Image result for Israel news

Related image