Dhul gariir xalay laga dareemay Gobolada Dalka Kenya khasaarana aan laga soo sheegin

Dhul gariir xalay laga dareemay Gobolada Dalka Kenya khasaarana aan laga soo sheegin

March 25, 2019 1 By walaal24

 

Dhul gariir xalay laga dareemay xiliga saacaddu markay ahayd 7.00 fiidnimo kana dhacay qeybo ka mid ah Dalka Kenya ayaa loo aqoonsaday kii ugu cuslaa cabbiir ahaan ee ka dhaca Kenya.

Barta website-ka www.earthquaketrack.com oo la socota dhul gariirada caalamka ayaa sheegtay xogtan hoose, uu ka baaxad yaryahay dhulgariirkii ka dhacay Indonesia 7.5 cabirka Richterka, kana dhacay  28 Sept. 2018,

 

deeganada laga dareemay ayaa kala ah Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni, Kiambu, Wundanyi, cabbirkiisu waxaa lagu qiyaasay 4.8 qiyaasta cabbirka richterka, Baaxadda gunta dhiririka hoose waxaa lagu qayaasay ilaa inuu gaarayay  9KM.

the-abc-of-earthquakes-and-tremors

Kenya

Waxaa dadka ku nool deegaanada xeebaha ku teedsan lagu booriyay inay ka fogaadaan agagaarka badda, ayna u dhowaadaan dhulka jooggiisu sarreeyo.

Dhul ruxankan mid ku dhow (4.5) ayaa ka dhacay Tanzania siddeed bilood ka hor. Halka isla deegaano ka mid ah Kenya laga dareemay xaaladdan oo kale labo bilood ka hor.

Khubaradda Saadaasha Hawada ayaa sheegaya in dhul gariirka caawa ka dhacay Kenya uu yahay kii ugu weynaa ee ka dhaca Kenya.

Sawirka qariidada ayaa muujinaya juqraafi ahaan deegaannada dhul ruxanka laga dareemay.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/03/

photos-the-aftermath-of-kenya-s-tremor

Facebook Comments