Ciidanka Danab oo howlgal kula wareegay degaano hoostaga Baladul-Amiin iyo Tooratoorow

Ciidanka Danab oo howlgal kula wareegay degaano hoostaga Baladul-Amiin iyo Tooratoorow

March 24, 2019 1 By walaal24

 

Ciidamada Kumaandooska ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo ballaaran oo lagu xaqiijiniyo aminga Wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada walweyne ee Gobalka Shabeelada Hoose, si looga hortago dhibaatooyinka maleeshiyada Alshabaab ay shacabka u geystaan

Ciidanka Danab ee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay lana wareegay deegaano hor leh oo ay shacabaka lacago baad ah kaga qaadi jireeen maleeshiyada Alshabaab, islamarkaana ay ku dhibaateyn jireen.

Deegaanada ay ciidamadu gaareen waxaa kamid ah Tulooyinka Godale, Cadalay, Luqamaan, Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga degmada Toora-Toorow ee gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deeganadaasi ka sameeyeen, wuxuuna xusay in maleeshiyadii Al-Shabaab ay halkaasi isaga carareen, kadib markii ay dareemeen culeysyada kaga yimid ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Danab.

Argagixisada Alshabaab ayaa deegaanadaasi waxaa ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah, taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka, kuwaasi oo weli baacsanaya firxadka Al-Shabaab oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga fog ee gobolkaasi Shabeelada Hoose.

Ujeedka ugu weyn ayaa ah in shacabku ay si nabad ah ku maraan wadada isku xirta Wala-weyn iyo Muqdisho, maadaama horey ay Al-Shabaab dadku ku dhibaateyn jireen.

Facebook Comments