Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku geeriyooday Qaraxyadii iyo weerarkii la

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku geeriyooday Qaraxyadii iyo weerarkii la

March 23, 2019 8 By walaal24

 

Weerarkii Qaraxyada wada socday ee lagu qaaday asaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac isugu jir, dadkii halkaa ku geeriyooday waxaa ka mid ahaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha ahna Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Saqar Ibraahim Cabdala, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa weerarka khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad shacabka, Xarunta ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyidda weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya.

Wax warbixn ahna kama soo bixin Mas’uuliyiinta Dowlada.

Facebook Comments