War deg deg ah: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

War deg deg ah: Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

March 23, 2019 0 By walaal24

 

Waxaa Goordhow Qarax xoogan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan Nawaaxiga Isgoyska Jubba ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Dgmooyinka Gobolka Banaadir laga arkayay Qiiq iyo uuro cirka isku shareeray markii uu qaraxa dhacay, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan Magaalada.

Khasaaro kala duwan ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay qaraxaasi, waxaana halkaasi laga maqlayaa rasaas xoogan ay ka dhaceyso.
Wixii ka soo kordha kala soco:    walaal24.com

Facebook Comments