faah faahin hordhaca Qaraxayada oo ka dhacay Wasarada shaqada Shaqaalaha rasaasna ay ka socoto

faah faahin hordhaca Qaraxayada oo ka dhacay Wasarada shaqada Shaqaalaha rasaasna ay ka socoto

March 23, 2019 0 By walaal24

 

Wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya qaraxyada oo laba qarax eh iyo weerarka tooska ah lagu qaaday xarunta Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha waxa ay ku bilaabeen qarax ismiidaamin ah, waxaana qaraxa kadib xarunta wasaarada gudaha u galay rag hubeesan.

Rasaas ayaa wali ka dhax socota Xarunta Wasaarada shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala agagaarka Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho, kadib markii rag hubeesan ay weerar ku qaadeen xaruntaasi, samey ku yeelatay xarumo kale oo ku dhegan .

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa dagaal kula jira rag hubeesan oo gudaha ugu jira xarunta Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan weerarka wali socda.

Waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ilaa iyo hada aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay inta uu la’egyahay.

 

Wixii ka soo kordhana kala soco:  walaal24.com

 

Facebook Comments