Kulan  looga hadlayey siddii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhacay

Kulan looga hadlayey siddii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhacay

March 20, 2019 0 By walaal24

 

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana labada aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera.

Guddoonada labada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo ee gabogabada ah.

Madaxda hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway ayaa dhankooda sheegay in gacan ay ka siin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya siddii waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen.

Gabogabada kulan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku-xiggeenka Laad golaha aqalka sare BFS Sen. Mowliid Xuseen Guhaad, waxa uuna sheegay in kulankan aqalka sare uu muhiin u yahay, maadaama uu yahay aqal cusub.

Guddoomiyaha golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa u mahad celiyay hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway sida ay  ula shaqeeyaan baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa guddoonada labada aqal baarlamaanka , guddiga dib u eegista, la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday UNSOM, UNDP, Switserland ,iyo Norwey.

 

Facebook Comments