Dagaal ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maamulka Hisrshabeele

Dagaal ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maamulka Hisrshabeele

March 19, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaarayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maamulka Hirshabeele ayaa sheegayo  in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay dhowr jaho ka weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana dagaal halkaasi ka dhacay ugu suurto gashay Al Shabaab in ay la wareegeen.

Ciidamada dowlada ee ku sugnaa degmada Balcad ay isaga baxeen markii Al Shabaab soo galeen, waxaana dagaalyanahada kooxda Al Shabaab la wareegeen qeybo badan oo kamid ah degmadaasi ay ku jiraan saldhiga booliiska iyo xarumo kale.

Al Shabaab ayaa mudo ka badan shan saacadood maamuleysay degmada Balcad, waxa ayna xabsiga kasii daayeen maxaabiis badan oo ku xirnaa xabsiga Balcad iyo sidoo kale saldhiga booliiska.

Wararkii ugu dambeeyay oon ka helnay Degmada Balcad ayaa sheegaya in Al Shabaab xalay xili dambe dib uga baxeen degmada Balcad, waxaana saakay degmadaasi dib ugu laabtay ciidankii dowlada oo xalay ka baxay.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarka Al Shabaab xalay ku qaadeen degmada Balcad , xaalada ayaana saakay ah mid dagan , shacanka ayaana  iska warsanaya waxii xalay dhacay.

Facebook Comments