Ciidmada Dowladda Kenya oo isaga baxay degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo

Ciidmada Dowladda Kenya oo isaga baxay degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo

March 19, 2019 0 By walaal24

 

Wararka naga soo gaaraya degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo ayaa laga soo sheegayaan in  saakay Waaberigii hore Ciidamada Kenya ay isaga baxeen deegaan ka tirsan Gobolkaaas.

Ciidamadii Kenya ee ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Buusaar ee ku yaalla Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay gabi ahaanba isaga baxeen, waxaana halkaasi ay ku lahaayeen Saldhigyo Militeri.

Ka bixitaanka Ciidamada Kenya degaanka Buusaar ee Gobolka Gedo, ayaa dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab la waregeen gacan ku haynta Degaanka.

Dadka degaanka ayaa sheegay in daqiiqado kaddib bixitaankii Ciidamada Kenya, ay Shabaabku qabsadeen degaanka, iyagoona haatan isku fidiyay gudaha degaanka.

Ciidamada Kenya ayaa sidan oo kale dhowaan baneeyay degaanka Faxfax-dhuun oo hoos-tagga degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, iyagoon ku war-gelin maamulka degaanka iyo kan gobalka Gedo, waxaana haatan cabsi soo foodsaartay Shacabka oo ka baqanaya inay dhibaateeyaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Facebook Comments