Ciidanka Qaranka iyo Ciidamo Caalami ah oo howlgal ku dilay Seddex ka tirsan Argagixisada

Ciidanka Qaranka iyo Ciidamo Caalami ah oo howlgal ku dilay Seddex ka tirsan Argagixisada

March 19, 2019 0 By walaal24

 

Hawlgal si wadjir ah gobalka shabeeLlaha hoose ay uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibadooda Maraykanka ayaa lagu dilay Seddex ka tirsan kooxda Alshabaab.

Howlgalkaan oo 18-ka bishaan ka dhacay degmadda Awdhiigle ayaa lagu beegsaday Xarun kooxda Alshabaab dadka Shacabka ah ay uga qaadi jireen Lacago baad ah.

Waxaa la burburiyay goobtaasi  Argagixisada dadka ay ku dhici jireen,  waxaana la dilay seddex dhagar qabe oo halkaasi ku sugnaa.

Waa tallaabo kale oo kor loogu qaadayo nabadda Soomaaliya,  laguna dhabar jabinayo Cadowga arxanka darran ee Alshabaab.

Facebook Comments