Ciidamada Ammaanka oo Howlgal qorsheysan kusoo qabtay rag ka tirsan kooxda Alshabaab

Ciidamada Ammaanka oo Howlgal qorsheysan kusoo qabtay rag ka tirsan kooxda Alshabaab

March 19, 2019 0 By walaal24

 

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen  labo dhalinyaro oo ka tirsan  Kooxda ee Alshabaab.

Mid kamid ah Labada dhalinyaro ee lasoo qabtay ayaa ka mid ahaa Kooxdaasi u qaabilsan dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Mid ka  labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud  ee dalka.

Ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan Kooxda ee Alshabaab, waxaana Ciidamada ammaanka ay kordhiyeen baacsiga lagu hayo kooxda Alshabaab, si looga hor-taggo dhibaatada ay u geeystaan Shacabka.

Facebook Comments