Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyadeeyay dadkii wax ku noqday qarax ka dhacay deegaanka Goof-gaduud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyadeeyay dadkii wax ku noqday qarax ka dhacay deegaanka Goof-gaduud

March 18, 2019 0 By walaal24

 

Guddoomiyaha  Golaha Shacabka ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geriyooday Deegaanka Goof-Gaduud ee Gobolka ee Gobolka Bay ka dib markii ay ku qaraxday Miino kooxda nabad diidka ah ee Alshabab ay gelisay suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay 24-ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale 34-qof ka badanna waa ay ku dhaawacmeen,waxaana guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya uu dadkii ku dhintay Alle uga baryay in naxriistii jano uu ka waraabiyo ,intii dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Hay’adaha amaanka ee Koonfur galbeed ugu baaqay in ay sameeyaan baaritaano lagu baadi goobaayo dhagar qabayaashii ka dambeeyay falka dadka masaakiinta lagu laayay si cadaaladda loo marsiiyo.

Facebook Comments