Dagaal oo ka dhacay Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya laba maleeshiyo

Dagaal oo ka dhacay Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya laba maleeshiyo

March 18, 2019 0 By walaal24

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud, ayaa laga soo sheegayaa in xalay saqdii dhexe deegaankaasi ka dhacay dagaal Khasaare gaystay, una dhaxeeyo laba maleeshiyo.

Dagaalkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay Ciidamadii Ahlu Sunna ee ku biiray Maamulka Galmudug & maleeshiyaad hubaysan oo deegaanka ka soo jeeda, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inay soo qaadeen Ciidankii Ahlu Sunna ee ku biiray Maamulka Galmudug, kuwaasi oo weeraray maleeshiyada deegaanka ku sugan ee hubka ku haysata.

Xaaladda Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ah mid kacsan, waxayna dadka sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dagaal mar kale uu halkaasi ka dhaco.